DAAWO Puntland oo sheegtay in DF ay kusoo qaaday dagaal waxbarasho

1875

Puntland ayaa si rasmi ah ugu eedeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay mamaulkaas kusoo qaadday “dagaal dhinaca waxbarahsada.”

Afhayeenka Puntland, Jaamac Yuusuf Dabaraani oo ka warbixinayay shirka todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumada Puntland ayaa sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay weli waddo “dagaal ka dhan ah “oo la xiriira xagga waxbarashada.

Dabaraani ayaa sheegay in dawladda ay diiday inay shahaadooyinka siiso ardayda reer Puntland ee dhameysta dugsiyada sare.

“Meelihii ay wada-shaqaynta xagga waxbarashada la lahayd ayey dowladda u dirtay warqado ay ku hor istaagayaan ardayda Puntland, waxaana ka mid ah dalka Masar, dhawaana arinkaas darteed halkaas waxaa u tagay wasiirka waxbarashada Puntland, si arimahaas wax looga qabto, dhaqamada noocaas ah waa kuwa muujinaya in lala dirirayo Puntland dhinaca horumarka waxbarshada” Ayuu yiri Dabaraani.

Afhayeenku ayaa sidoo kale xusay in qodobadaas ay yihiin “kuwa baalmarsan” dastuurka Soomaaliya iyo heeshiisyadda ay horay u gaareen dawlafda dhexe iyo maamulada, waxa uuna tilmaamey in cawaaqib xumadda ka dhalata ay qaadan doonaan hogaanka dowladda federaalka

Xiisadda labada dhinac ayaa kasoo billaabatay markii Puntland ay diiday inay qeyb ka noqoto imtixaanka shahaadiga ah ee ay dejisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Si kastaba, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana laga soo doortay degaanada Puntland, ayaa 7-dii September sheegay inay ku guuleesteen in ay xaliyaan khilaafka labada dhinac kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.