DAAWO:-Puntland oo waxaan jirin ku tilmaantay Galmudug, Hirshabeelle & Koonfur Galbeed

1922

Wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo dad odiyaal iyo siyaayiin kala hadlayay marxladda dalka iyo khilaafka doorashada ayaa shaaciyay arrimaha dhowr ah.

Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in Dolwadda Federalka ay isku dayday iney ku dhex milanto maamulka Puntland balse ay u suurta gali weyday isaga oo xusay in Puntland ay isku dhuubantahay oo aysan lamid aheyn maamulada kale ee dalka.

Waxa uu sheegay wasiir Xaamud in xiligan ay lamid noqon lahaayeen Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug oo kale, balse hadda ay ku nool yihiin si sumcad leh, waxa uu tilmaamay halka Deni ka daganyahay Xalane iney lamid tahay Villa Soomaaliya oo madax cadaan iyo Soomaali ah ku qulqulayaan hoyga madaxweyne Saciid Deni.

“ Labadii Sano iyo dhowrkan Bilood ee Saciid Deni madaxweynaha ka yahay Puntland habeen iyo maalin madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa kama nasan sidii ay puntland ku burburrin lahaayeen, arrintaas waxaan kaga hor tagnay isku duubni” Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Puntland.