DAAWO:- “Puntland Waa Reer Yar Oo Doonaysa In Ay Dowlad Noqoto”

1878

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa, ayaa ka hadlay Arimo La xidhiidha Doorashooyinka iyo Dagaaladii dhowaan Qaybo kamid ah gobolka Sanaag ku dhexmaray Ciidamada Putland iyo kuwa Somaliland, Wuxuuna si gaar ah dhaliilo ugu Jeediyey Maamulka Puntland oo uu sheegay inuu yahay Qoys doonaya inay Dawlad noqdaan.

“Puntland waa Reer yar [Maxamuud Saleebaan] oo Dawlad iska dhigaya, dadka Reer sanaag waxaan leeyahay dadkaasi Fidno ayay idiin keenayaan, Laakiin Somaliland ayay Ceeb ku tahay in lagu Cabsiiyo Garoowe iyo Boosaaso,

“Waxaan leeyahay War Tuulooyinkiinii ayaa magaalooyin Noqdaye, Markii Soomaali Burburtay ee ha iska Burburina, Waxay doonayaan inay Keligood Noolaadaan” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Ugu dambayntii wuxuu ka hadlay arimo kala duwan oo ay kamid yihiin dhibaatooyinka Qaadka iyo Saamaynta uu ku leeyahay deegaanada Somaliland.