DAAWO:-Qabuuraha Iskuul Buluusiya oo la amray in maydadka lagasaaro

154

Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Booliska, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir iyo culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay qabuuraha Iskuul Buluusiya ee degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Masuuliyiintaan oo dhamaantood la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey amar ka soo baxay dowladda, kaas oo lagu dalbanayo in deg deg qabuurahaas looga saaro meydadka ku aasan.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in wararka la faafi doono inta la iska dhaafo loo hoggaansamo awaamiirta dowladda, maadaama dhulkaan loo qorsheeyey howlo dan-guud ah oo la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha dalka.

Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir oo qoysaska eheladooda ay ku aasan yihiin qabuurahaas ay ka gacan sii doonaan sidii ay ula bixi lahaayeen.

Yabooh ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay saari doonaan meydadka hadii la waayo ehello kala baxa qabuurahaan loo bedelayo xerada ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Culimadii joogtay goobta oo ay ugu waaweynaayeen Sheekh Bashiir iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa diiniyan uga hadashay arrintaan, iyagoo sheegay inay banaan tahay in meydadkaan laga saaro qabuuraha, hadii loo soo baahday dhulka oo dan-guud lagu qabanayo.

Sidoo kale culimada ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda, maadaama dowladdu ay masuul ka tahay dadka iyo dalka, dhulkii ay u soo baahatana ay waajib tahay inay hesho.