DAAWO:-Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho

1886

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay ka dhacay inta u dhaxeysa Ex-Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim iyo Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan miino oo hareeraha laamiga la dhigay ayaa lala eegtay gaari nuuca dagaalka ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Asluubta oo xiligaasi laamiga marayay.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo la socday mooto bajaaj ayaa goobtaasi ku geeriyooday, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan soo gaareen afar askari oo katirsan ciidanka Asluubta ee la socday gaariga qaraxa lala eegtay.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaana qaraxa kadib goobtaasi soo gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano lagu ogaanayo qaraxan iyo khasaaraha uu geestay.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka ayaa maalmahan kusoo badanaya magaaalada Muqdisho, waxaana habeen hore qaraxan oo kale lala eegtay gaari uu lahaa Afhyaeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya oo marayay agagaarka Iskuulka 21-October.