Daawo Qodobadii lagu heshiiyey shirkii Jabuuti

1675

Dawladda Faderaalka Soomaaliya & Somaliland ayaa soo gabagabeeyey wada hadalo ay ku lahaayeen magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxayna kaga wada hadlayeen sidii markale dib loogu bilaabi lahaa wada hadalada labada dhinac, guulna looga gaari lahaa.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf oo la hadlay wariyayaasha ayaa sheegay in ay wada hadalo ka gaareen natiijo wanaagsan oo ay abuureen guddiyo si dhab ah u darsa labada dhinac waxyaabaha ka dhaxeeya.

Wasiirka cadeeyey in ujeedada wada hadalkan hadda loo bilaabay in uu noqdo mid dhab ah oo isku soo dhaweeya Soomaaliya & Somaliland, waxaana shan qodob ay ahaayeen qodobada kala saxiixday.

Wasiirka ayaa sheegay in qodobada lagu heshiiyey ee lakala saxiixday oo aan Saxaafadda la tusin ay kala ahaayeen.

1- In shirarka loo sameeyo Jadwal rasmi ah oo hadaf cad iyo ujeedo macna leh ay kasoo        baxdo kulamada, lana abuuro.
2- In dib loo abuuro kalsoonida bulshada Koonfur & Waqooyi ee Soomaaliya.
3- In qodobadii horey loogu heshiiyey kulamadii hore in deg deg loo hirgaliyo, waxaana          qodobadas kamid ah Maalgalinta Dhaqaale, gargaarka Aadanaha, Saami-qeybsiga              Kheyraadka iyo arrimaha deeqaha caalamiga, waxaana loo saaray guddi labada dhinac        oo 15 cisho gudahood ku kulmaya Jabuuti.
4- Waxaa guddi gaar ah loo saaray habka loo wadaagayo maamulida howlaha Hawada           Soomaaliya, waxaana 15 maalmood ka dib ay ku shiri doonaan dalka Jabuuti.
5- Guddi gaar ah, ayaa la asaasay oo ka wada shaqeynaya arrimaha Amniga, gaar ahaana      Nabadsugida, kuwaas oo iyana diyaarinaya qorshaha Sirdoon, waxayna ku kulmayaan       15 maalmood ka dib dalka Jabuuti.
6- Guddiga heer Wasiir oo ah midka u sareeya ayaa 45 maalmood ka dib iskugu imaanaya      dalka Jabuuti, waxayna ka wada hadlayaan qodobada kore wixii laga soo qabtay.

Jabuuti, waxay u mahadcelisay Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya & Somaliland, ujeedaduna ay ahayd in wax kasta laga dhameeyo oo ay xooga saarayaan sidii taabagal looga dhigi lahaa qorshe kasta oo wanaagsan.