Nuqul kamid ah sharciga doorashooyinka ee maanta ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku jiro qodobo la-yaab leh oo qalalaase siyaasadeed gelin kara dalka.
Sharcigan ayaa dhigaya in guddiga doorashooyinka ay awood buuxda u leeyihiin inay ku dhawaaqan dib u dhaca doorashooyinka, kadib marka ay suurtagali waeydo in doorashooyinka qabsoomi waayan duruufo adag oo jira awgood waqtigii loo cayimay.
Sidoo kale waxa uu qodobka 75-aad ee dib u dhaca doorashooyinka ee sharcigan ku xusan in haddii ay suurtagli weydo in doorashooyinka ay qabsoomaan ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, cidda haysa xilka loo tartamayay ayaa sii haynaysa xilka inta duruufahaas adag laga gudbayo doorashaduna ka qabsoomayso.
Qodobkan ayaa masuulka xilka jooga siin kara waqti dheeraad ah “muddo kororsi” uu kusii joogi karo, waana mid kamid ah qodobada qalalaase siyaasadeed horseedi kara, ayada oo la ogyahay waxa dhici kara haddii madaxweyne muddo xileedkiisu dhamaaday uu iska sii joogo Villa Somalia.
Sharcigan ayaa sidoo kale waxa uu dhigayaa in magaala madaxda dalka ee Muqdisho ay yeelaneyso gole ka kooban 49 xubnood iyo duqa caasimadda iyo ku-xigeenkiisa oo si toos ah oo qarsoodi ah ay u soo dooranayaan cod bixiyeyaasha diiwaan gishan (Vote Registration).
Waxa uuna dhigayaa in degmo kasta oo magaalo madaxda dalka ah ay yeelaneyso gole deegaan iyo duqa degmada oo la soo dooranayo.
“Degmooyinka Caasimadda Muqdisho ayaa yeelanaya labo darajo oo Gole deegaan ah (A) oo noqonaya 15 xubnood, halka darajada (B) ay noqoneyso 11 xubnood gole deegaan ah, taasoo macnaheeda tahay sida ay u kala helayaan darajooyinkaas ay tahay sida ay degmooyinka u kala weyn yihiin.”
Sharcigan oo lagu wado in baarlamaanka loo gudbiyo kadib markii ay maanta ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya, ayaa uga sii dari kara xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, taas oo meel adag iska taageen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.