DAAWO:-‘’QOOR QOOR wuxuu isku heystaa inuu wasiir dowle ka yahay dowladda Farmaajo ’’

1457

Taliye ku-xigeenkii hore hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Cabdisalaam Yuusuf Guuleed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) inuu ku fashilmay sugidda amniga dowlad goboleedka Galmudug.

Taliye ku xigeenkii hore oo hadda aad u falanqeeya arrimaha amniga ayaa dhaleeceeyay Qoor Qoor kadib markii Al-Shabaab ay tiro madaafiic ah ku qalqal galiyeen magaalada Dhuusamareeb oo martigalineysa shirka wadatashiga doorashooyinka.

Bartiisa Facebook ayuu kusoo qoray qoraal uu kaga hadlayo fikirkiisa ku aadan sida uu Axmed Qoorqoor ugu fashilmay amniga maamulkiisa, wuxuuna sheegay iney nasiib darro weyn iyo ceeb ku tahay in magaalo madaxdii madaafiic ku da’eyso.

Cabdisalaam wuxuu sheegay in Qoorqoor ka hor ay dadka reer Galmudug heystaan amni wanaagsan, sidoo kalana uu madaxweynaha Galmudug wali isku heysto inuu yahay Wasiir Dowle ka tirsan Dowladda madaxweyne Farmaajo.