DAAWO:-Qoor Qoor,Waare iyo Lafta Gareen oo Shir Wadatashi ah uga furmay Baydhabo

1527

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ka furmay shir wadatashi ah ee leeyihiin Madaxda maamulada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Madaxda sadexdan maamul Goboleed ayaa ka arinsanaya hirgalinta qodabadii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb3 iyo sidii go,aan mideesan ula tagi lahaayeen shirka ka furmaya magaalada Muqdisho.

Maamuladan shirka uga furmay magaalada Baydhabo ayaa ah kuwa sida weyn u taageersan siyaasada Dowlada Federaalka Soomaaliya qeyba ka ahaa shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Dhuusomareeb.

Shirkan wadatashiga ah ayaa la filayaa marka uu soo dhamaado in madaxda maamuladan soo aadaan magaalada Muqdisho uu ka furmayo shir kale ay yeelanayaan Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.