Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ahaa siyaasiyiin maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay heshiiskii Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay ku galeen magaalada Ankara, isagoo sheegay in uu lamid yahay kii Muuse Biixi uu saxiixay.
Senatorka ayaa sheegay in Xasan uu qorsheynayo in xukunka uu xoog ku sii joogo, taasina ay ku qasbeyso in dowlad goboleedyada uu dagaal ku qaado, badana iibsado, sida uu hadalkiisa u dhigay.
Wuxuu sheegay in heshiiskii Muuse Biixi iyo kan Xasan Sheekh uu hadda saxiixay ay isku mid yihiin, isagoo ka digay in mustaqbalka umadda Soomaaliyeed la iibsado.
“Heshiiska Xasan uu Ankara kusoo galay waxba ugama duwana kii Abiy uu la galay Muuse Biixi, badda Soomaaliyeed halis ayay ku jirtaa, danta gaarka ah ee Xasan Sheekh iyo danta Abiy Axmed ayaa walaaloobay,” ayuu yiri Prof. Cabdi Samatar.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hadii umadda Soomaaliyeed ay aqbalaan waxa Xasan Sheekh wado ay ku halaagmi doonaan, “Dhulkaan waa hadiyad Allena siiyey, difaacda, cid kale yeysan idinkugu talin dhulkiina,” ayuu yiri.
Goobta uu Senator Cabdi Ismaaciil Samatar hadalkaan ka sheegay waxaa sidoo kale ka hadlay Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo Xasan Sheekh ku dhaliilay sida uu u maareeyey xiisadii Soomaaliya iyo Itoobiya.