DAAWO:- R/Wasaaradii Ingiriiska oo Is casishay

1546

Raysal wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa ku dhowaaqday inay is Casishay, Taas oo u gogol xaadhaysa Tartan loo galo Cidda Noqonaysa Ra’isulwasaaraha Britain ee cusub.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxay sheegtay in ay isku dayday wax kasta oo karaankeeda ah oo ay humanti uga dhigi lahayd in la fuliyo go’aankii ka bixitaanka Midoowga Yurub ee lagu gaadhay aftidii dadweynaha ee la qaaday kal hore.

Ra’isulwasaaraha ayaa la kulantay cadaadis iyo dhaleeceyn kala kulantay qorshaheedii ugu dambeeyay ee ku saabsan barnaamijka Brixit oo ah mid muran badan dhaliyay. Dadka welwelka ka qabay qorshahan waxaa ka mid ahaa xoghayaha arrimaha gudaha Sajid Javid iyo kan arrimaha dibedda Jeremy Hunt.

May ayaa tiri “Waxaa kaliya go’aan wadar ogol ah la gaari karaa marka dhinacyada oo dhan ay tanaasulaad sameeyaan”.

Waxa ay sheegtay in wax niyad xumaan ah aysan xilka uga degin, iyada oo sharaf iyo karaamo ku sheegatay in ay qabato xilka ugu sareeya dalkaaas.

“Waxaan ahaa Ra’isulwasaarihii labaad oo dumar ah, balse ma noqon doono tii ugu dambeysay” ayay tiri May oo hadalkeeda ay ka muuqatay qiiro iyo himbiriirsi.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa sheegay in ay wax wanaagsan ahayd in ay xilka iska casisho.

Siyaasiyiin badan ayaa ku ammaanay go’aanka ay qaadatay Ms May, sheegayna in ay ahayd hoggaan tusaale wanaagsan ah.