DAAWO:- “Raali kama nihin wax dhibaya Bajaajlayda”

113


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo xaaladda dalka ku saabsan iyo farriin u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dul-istaagay cabashada Bajaaj-leyda, arrimaha canshuuraha cusub ee iibka, wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha doorashooyinka.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in cabashada Bajaaj-leyda Muqdisho ay soo gaartay, isagoo balan qaaday in qabad kasta oo jirta ay dowladdu xali doonto, isagoo dhalinyarada uga digay in lagu soo dhex dhuunto oo dano gaar ah laga dhex fushado.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay canshuurta cusub ee lasoo rogayo, isagoo faahfaahiyey qaabka loo qaadayo canshuurtaas oo horay wax faahfaahin ah aan looga bixin.

“Been ayaa la idiin sheegay nidaamka Marjentiga la yiraahdo ee goobaha ganacsiga lacagta loogu diro ayaa lagu qaadayaa lacagtaan, adduunka waa canshuurta ugu yar ee dal qaado, dadka dhan iyo lacag kasta oo la isku dirayo ma ahan waxa la canshuurayo ee waa iibka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in dadka ku takri falaya awooda dowladnimada uu dadka ka qaban doono, isagoo codsaday in dowladnimada loo hogaansamo “Waa nala kabaa tan iyo markii dib loo soo dhisay dowladnimadeena 3-aad sanadkii labadii 2000, taas waxaan uga bixi karnaa inaad canshuurta bixisaan,” ayuu yiri.

Wax kasta oo cabasho ah oo ganacsatada ka timid ayuu sheegay inay soo gaareen, sidoo kalena wasiirka maaliyadda uu la fariistay ganacsatada, isagoo xaqiijiyey in dowladda ay ka go’an tahay in canshuurtaasi la qaado, “Anigoo odagii dalka ah waxaan codkeyga ku biiriyey in canshuurtaas qaadideeda la bilaabo ee walaalayaal nala ogolaada, wixii tabasho ahna dowladdu waa xalineysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrinta Itoobiya, “Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci jirtay qawaaniinta caalamiga ah, isagoo mar kale Itoobiya ugu baaqay inay ku soo laabato qawaaniinta caalamiga ah, isagoo shaaciyey wax yaabihii fashiliyey wadahadaladii Itoobiya.

“Wadahadalkii Ankara sababta loogu kala tegay waa in Itoobiya ay weli diidan tahay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo deriskeeda ah, taas ilaa ay ka aqoonsaneyso bad iyo ganacsi toona kama wadahadli karno, waa nasiib darro in qadiyadaas ay dadka qaar noo fahmeen inaan siyaasad ka dhex raadineyno ee xuquuqdii qarankaan ayaan ilaalineynaa, qof naga dambeeyana ma ogolaa doono ee dowladda Itoobiya miyirku ha u soo laabto,” ayuu yiri Madaxweynuhu.