DAAWO:-Rag kamid ah AShabaabkii Gaalkacyo oo dil lagu xukumay

458

Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee gobolada Mudug iyo Cayn ayaa xukun dil ah u riday labo nin oo kamid ahaa Shabakadihii Al-Shabaab ee dilalka ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo.

Xubnaha xukunka dilka toogashada ah lagu riday ayaa kala ah Xasan Muuse Axmed iyo Cabdikhaaliq Warsame Barre. Waxaana ay ku dhawaaqday Maxkamaddu in lagu helay inay dilal madax-jabis ah iyo qaraxyo ka geysanayeen sannadihii lasoo dhaafay Gaalkacyo.