DAAWO-Ra’iisul wasaare Rooble oo fariin u diray beesha caalamka

1646

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlaayay dhaqan-gelinta heshiiskii Doorashooyinka 2020/2021 ay ka gaareen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa dalab u diray Beesha Caalamka.

Waxa uu ka dalbaday beesha caalamka inay taageeraan heshiiskii laga gaaray hanaanka Doorashada dalka, si doorashada ugu qabsoonto waqtigii loogu tala-galay, kuna dhacdo si daah-furan oo nabad ah.

Rooble ayaa waxaa uu tilmaamay in xukuumaddiisa ay hogaamin doonto geedi socodka Doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana doorashada dalka Soomaaliya ku dhacdo si nabad ah.