DAAWO: Ra’iisul wasaare Xamze oo weerar ku qaaday Benjamin Netanyahu

66

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay go’aanka la sheegay ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo mas’uuliyad-darro ah oo halis ku ah xasilloonida gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo wareysi siiyay Al-Jazeera, ayaa sheegay in Israa’iil ay ahayd in ay aqoonsato dowladda Falastiin halkii ay ka qaadi lahayd go’aan muran iyo qalalaase hor leh ka abuuri kara Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda u diiddan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil ku sheegtay Somaliland, isagoo ku adkeeyay in tallaabadaasi aysan wax sharci ah ku fadhiyin, isla markaana ay tahay weerar toos ah oo lagu qaaday madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.