DAAWO: Ramaax “Wiil ayaa 24-Sanno loogu Xukumay Aragtidiisa”

1984

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Xadhigii loogu gaystay magaalada Hargeisa, Halkaasi oo Muddo uu ku xidhnaa.

Wuxuu Hambalyo u diray guud ahaan shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland, ee ka dhiidhiyey Xadhigiisa, Wuxuuna Ramaax sheegay in si Xaqdaro ah lagu xidhay. “Waa lay soo dacwayn karayaa, Balse mid gardarro ah ayuu ahaa Xadhigaygu”.

Wuxuu u digay Xeer ilaalinta iyo Ciidamada Booliska, uga digay inay dadka Xidhaan, Wuxuuna sheegay inuu Hanti badan ku leeyahay Hargeisa iyo Berbera. “ Mar kale ayaan ka hadli doonaa Qodobada Xaaraanta ah, ee dadka lagu dhibaataynayo.”

“Waxyaabo badan ayaan kusoo Arkay Jeelka, Wax badan ayaana iiga soo kordhay, Waxaa la igu eedeeyay inay Dawladda ku sheegay maamulkii Cabdi ILEY oo kale, Balse waxaa la iga xidhay Labada Gacmood iyo Labada Lugood, Bal ka waran marka sidaas Qof masuul ah loola dhaqmayo”.

Dhinaca kale Wuxuu sheegay Arimo la yaab leh oo Xabsiga uu kusoo Arkay, Wuxuuna sheegay in Qof Muwaadin ah Aragtidiisa loogu Xukumay 24-Sanno oo Xadhig ah, Wuxuuna Xusay inuu Xabsiga ku arkay dad uu horay isagu xidhi jiray Markii uu Xilka hayey.