DAAWO Raysal wasaaraha Cusub ee ingiriiska oo asal ahaan ka soo jeeda Turkiga awoowgiisna ahaa Xaafidul Quraan

1718

Boris Johnson Raisalwasaaraha cuub ee UK Dood badan ayuu dhaliyey 30 kii sano ee la soo dhaafay, waxa uu beddelay Theresa Mary May, hayeeshee doodahaas badan ee kadhashay hab dhaqanka Boris kama aanay hor-istaagin in uu gaaro xilka ugu sarreeya tadala UK.

Haddaba maxaa lagayaqaan Boris Johnson Raisalwasaaraha cusub ee Ingiriiska?

Laba dhalasho ayuu leeyahay

Boris Johnson waxa uu kudhashay magaalada New York sanadkii 1964, taasina waxa ay u sahashay in uu wada helo dhalashooyinka Ingiriiska iyo Mareykanka.

Waxa uu kasoo jeedaa Qoys Muslim ah

Boris Asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa Qoys Turki Muslim ah, iyada oo Awoowgiisa 2aad Cali Kamal Baka ahaa Turki Muslim ah.

Waxbarashada

Waxbarashada Asaasiga ah waxa uu ku dhigtay Primrose Hill oo dhacda Waqooyiga London, kaddibna waxa uu galay Iskuulka European School ee magaalada Brussels, muddo kaddibna waxa uu wax ku bartay Eton College, isaga oo mar kale wax ku bartay Balliol College oo katirsan Jaamacadda Oxford.

Deelqaafka siyaasadeed ee Boris

Boris waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee UK wax kabadan sanad, dabaqayaaqadii 2017 ayuu kudhacay hadal loo qaatay deelqaaf siyaasadeed oo kadhan ah Nazanin Zaghari-Ratcliffe oo haysata dhalashada UK balse asal ahaan kasoo jeedda Iiraan, Nazanin 2016 ayaa xukuumadda Iiraan ku eedeysay in ay kaqaybgashay Bannaanbax kadhan ah dowladda sidaas awgeed waxa lagu riday xukun xarig ah muddo 5 sano ah hayeeshee Boris oo ahaa xilligaas Wasiirk arrimaha dibadda ee UK ayaa guddi katirsan Baarlamaanka UK waxa uu kahor sheegay in Nazanin Zaghari markii la soo qabtay ay kujirtay tababaridda Suuxufiyiin iyada oo hadalkaasi xoojiyey eedihii Iiraan u jeedisay Nazanin Zaghari.

Mar dambe ayuu ka noqday hadalkaas balse taasi kama badbaadin in dad badan u soo jeediyaan in uu is casilo.

Boris waxa uu sheegtaa in uu Sal iyo baarba yahay nin Yuhuudi ah hadda kahor u sheegay Wbeiste-ka sirdoonka ah ee  https://www.debka.com/ oo laga leeyahay Israil in uu yahay Yuhuudi uuna aad u jeel yahay waddankiisa Wey nee Israil.

Dadka qaarki waxa ay ku eedeeyaan in uu aad u neceb yahay Islaamka, eeddaasi waxa ay soo baxday kaddib weerarkii is miidaaminta ahaa ee London kadhacay July-2005, xilligaas ayuu Boris Johnson maqaal uu ku qoray Wargeyska Shahid ayuu weerarkaas ku eedeyey in ay kadambeeyaan dadka Muslimka ah.

Hadal uu jeediyey hadda kahor ayuu kusheegay in Caqiidada Islaamku tahay mid layaab leh oo aan soo jeedasho lahayn, sidaas oo kalana waxa uu ku shabbahay gabdhaha Muslimka ee qaata Indhashareerka in ay eg yihiin Burcadda dhacda Bangiyada

ISHA: BBC NEW, ALjazeera & Wakaalado