DAAWO:- Raysal wasaare Xamse: Ciidamada Shisheeye way baxayaan dhawaan

78

Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay Soomaaliya in ay diyaar u tahay bixitaanka ciidamada ATMIS. Wuxuu sheegay in dowladdu sameysay qorshe si loo hubiyo in amniga dalka aanu hoos u dhicin marka ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka.

Xamse Cabdi Barre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u qaadanayso masuuliyadda amniga dalkeeda, isagoo sheegay in aan marnaba la ogolaan doonin in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’iidaystaan fursad kasta.

Wuxuu tilmaamay in todobo kun oo askari oo katirsan ATMIS ay horey u baxeen Soomaaliya, waxaana masuuliyadaha amniga deegaanadaas la wareegay ciidamada Soomaaliyeed.

Miyaad maqasheen meelihii ay ka baxeen ciidamada AMISOM, Shabaab ayaa dib u qabaday, waa maya. Waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed inay nagu kalsoonaadaan, oo ay ogaadaan inaan annagu masuul ka nahay amnigooda, una ogalaan doonin in Shabaab u yimaadaan oo ay bir bireeyaan,” ayuu yiri Raysal Wasaaraha.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hadalkaan ka jeediyay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka taagan yihiin xiisado ka ku saabsan joogitaanka ciidamada Itoobiya.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay in ciidamada Itoobiya laga saaro degaanadooda, taasoo hoos u dhigtay wada shaqaynta dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.