DAAWO:-Real Madrid Oo Iska Xaadirisay Final-ka champions leaue +SAWIRRO

966

Kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay Final-ka champions League kadib markii ay garaacday kooxda Man City kulan ka dhacay garoonka Santiago Bernabue.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood u ciyaareen si taxadar leh mid walbana is ilaalinaysay.

Kooxda Man City ayaa inta badan ku fiicnayd kubad haysashada xilli ay Real Madrid ahayd kooxda ku halista badan fursadaha.

Labada kooxood ayaa helay fursado cajiib ah laakiin ku fashilmay in ay wax gool ah u badalaan fursadahaas ay heleen.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay Qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxoodba iska ilaalinayeen in goolal laga dhaliyo.

Qaybta dambe ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo helay fursad cajiib ah daqiiqadihii ugu horeeyay laakiin waxa fursadaas khasaariyay xiddiga Vinicius.

Real Madrid iyo Man City ayaa is dhaafsanayay fursadaha ay helayaan xilli ay labada Goolhaye sameeyeen fursado cajiib ah xilli ay labada kooxoodba isku dayayeen in ay dhaliyaan goolal.

Daqiiqadi 73-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Riyad Mahrez kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Real Madrid ayaa daqiiqadii 90-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Rodryig kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah xilli ay Real Madrid soo noolaysay rajadooda daqiiqadaha ugu dambeeya ee ciyaarta.

Real Madrid oo looga bartay soo laabashooyinka champions League xilli ciyaareedkan ayaa bilowday in ay raadiso gool kale oo ciyaarta bar-baro ka dhiga.

Daqiiqadii 90+1-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin kulanka labada lugood.

Waxa sidaas ku dhamaatay 90-ka daqiiqo ee ciyaarta oo lagu daray 30 daqiiqo si loogu kala boxo kulanka loona ogaado kooxda iska xaadirin doonta final-ka champions League.

Daqiiqadii 95-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo helay rikoodhe loo dhigay una badalay gool ciyaartana ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid iska xaadirisay Final-ka champions leaue xilli ciyaareedkan waliba samaysay soo laabasho taariikhi ah.