DAAWO:-Reer Muqdisho oo runta loo sheegay

172

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qayn-galay kulan dood ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan canshuuraha dalka, isaga oo runta u sheegay reer Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday inay been tahay erayada kasoo yeera qaar kamid ah dadka Muqdisho ee ah in canshuurtooda ay cunaan dad kasoo jeedo gobollo kale, wuxuuna dooddaas ku tilmaamay mid uun lasoo dhoo dhoobay.

Xildhibaanka ayaa xusay in shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ay iyaga cunaan inta badan wixii ay lahayd Soomaali, maadaama xaruntii dalka ay tahay Muqdisho.
“Reer Banaadir hadal aan in badan ka maqlay ayaa jiro inay iska dhaafaana ay u fiican tahay waxaynaa la cunaa, wixiina cid cunto malaha, idinka ayaa waxa Soomaali cuntiin. Qof kasta waxa ay ku leedahay Banaadir waxeeda la cunaa war waxiiina wax cuno maleh” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Horta halis ka daayo ceeb waayay annaga ayaa waxa nagala cunaa dalka hantidiisa annaga ayaa haysano”.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in lacag hal bilyan ah ay ku baxdo caasimada, taas oo ka imaada hay’ado kala duwan iyo mashaariicyada horumarinta.

“Saddex boqol oo xildhibaan oo hoteello deggan waayay dadka idin la joogo horta siyaasad marka la yiraahdo 1 biliyan ayaa ku baxda Xamar oo ay bixiyaan AMISOM, UNSOM, safaaradaha ajnabiga ah ee jooga, ama mashaariicda horumarinta” ayuu yiri.

 

 

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in kaliya ay Muqdisho u baahan tahay inay yeelato maamul lasoo doorto, si looga gudbo guddoomiye lasoo magacaabay.

“Doodda saxda ah waxaa waayay magaaladan inay yeelato Maayar lasoo doortay iyo hoggaan la doortay,” ayuu sii raaciyay.

Arrinta maqaamka Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan ay ceeb ku tahay inuu soo laabashadiisa uu ka gaabiyo arrintaasi.

“Waa ceeb in madaxweyne Xasan Sheekh inta xukunka kusoo laabtay magaaladan oo aan maqaam lahayn uu ka tego, mana ah in nin qabiil kale uu joogo inaan dhahdo magaalada waxay u baahantahay maqaam” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.