DAAWO:-Ronaldo oo bad baadiyay kooxdiisa Manchester United +SAWIRRO

1513

Kulan aad u xiiso badan oo kamid ahaa kulamadii caawa waxa uuu ahaa kii dhexmaray naadiga manchester United & Atlanta, kulanka waxa uu lahaa xiiso gaar ah gaar ahaan kii ugu dambeeyey ee wada ciyaareen oo remontada kusoo laabatay man utd lkn caawa dhadhankiisa gaar ayuu ahaa.

kulanka ayaa ku bilowday dar dar xoogan 4 daqiiqo man utd ayaa fursadii ugu horeysay ee ku heshay goosha Atlanta kadib markii uu ka shuuday afka hore ee goosha Mactomony lkn nasiib daro birta ayey ku dhacday.
Kubadaasi jawaabteedii waxey holcisay garoonka kadib kubad uu zapata ku dhex qaatay difaacyada united dhexdooda uusoo dhigay afka hore ee goosha waxaana shuut xoogan ku googooyey shabaqa man utd & De Gea wiilka caanka ee Ilcic si uu u iclaamiyo natiijada gool & waxba .
Markale kubad uu qalday pogba ayaa waxa gudaha rigoorada ku helay Zpata kasoo shuut xoogan ku tuuray degea lkn waxa bad baadiyey kubadaasi Baily si natiijada halkeeda utaagnaato qeybta hore gabagabadeedii United jawaabtii lasugayey waxa ay ka timid wiilkooda saaruukh madeera CR7 si nattiijada uga dhigo 1-1 qwaxaana uu aaa gool qurux badnaa oo tika taka ahaa kadib markii si qurux badan kubada isugu dhuftsadeen sidaas ayey qeybta hore kusoo idlaatay ,
Qeybtii dambe markii leysu soo laabtay naadiga United waxa laga dhaliyey gool kaasoo shabaqooda ku ubsaday Zapata kadib markii kubad uuku horqaatay harry magiure uguna shubay De Gea,
kubad kale oo uu qalday maguire ayaa atlanta ay ka faa’iideysatay lkn gudaha box waxa ku bad baadiyey Eric baily, daqiiqadihii ugu dambeeyey manchester united waxa ay keentay goolka bar baraha waxaana u dhaliyey CR7 sidaas ayey 2-2 ku noqotay.