DAAWO:-Rooble oo caraysan oo afka furtay

1406

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble .

Kheyre ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo looga fadhiyay door odaynimo iyo in dalka jihada saxda ku hogaamiyo uu maanta ka doortay inuu dalka u jiheeyo Godkii mugdi ahaa ee hore loogu dhacay Soddomeeyo sano ka kor

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka in maanta xaalada dalka uu galinayo Farmaajo ay mareyso heer xafiiskii Ra’isul Wasaaraha ee loo igmaday in doorashada dalka hogaamiyo ciidamo la dul dhigo xafiiskiisa.

”Waxaan shaki ku jirin in maanta dalkeenu galay xaalad Mugdi ah. Waxaan shaki ku jirin in Mustaqbalkeeni iyo Mustaqbalkii Ubadkeenaba maanta la huwiyey Khatar aan indhaha laga qarsan karin , waxay maanta taagan tahay in Xafiiskii Raysal wasaarahii loo igmaday in uu daadihiyo doorashooyinka dalka ciidamo la dul dhigo.” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaa raaciyay ”Waxaa muuqata in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo looga fadhiyey door Odaynimo, in uu ka doortay inuu dalka u jiheeyo Godkii mugdi ahaa ee hore loogu dhacay Soddomeeyo sano ka kor”

Kheyre ayaa sheegay in xili dalka uu wajahayo xaaladao adag sida abaar, weerarada Al Shabaab iyo sicir barar in Madaxweyne Farmaajo go’aansaday in kaarayaal madaxtooyada dhaxdeeda ku weeraro xalna u arko in ciidanka Qaranka si khaldan u adeegsado.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa uga digay ciidamada qalabka sida in aysan siyaasada ku milmin ayna dhiig faraha la gelin, waxa uuna ugu baaqay in aysan mustaqanla umadda mugdi gelin ayna dhiiga dadka canshuurtooda lagu biilo daadiyaan.

Kheyre ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in qayb ka noqdaan sidii looga hortegi lahaa xaaladda maanta taagan si aanay inoo badin mustaqbal mugdi ah, dalkana nooga dumin, dibna noogu celin dariiqii mugdiga ahaa ee aan ka nimid.

Ugu Dambeyn Kheyre ayaa ugu baaqay Madaxda maamul gobolleedyada in ay qaataan masuuliyaddooda, deg-degna isugu yimaadaan si looga hortagno khatarta taagan dalkana si wadajir ah u badbaadinno.