DAAWO:-Rooble oo sheegay in la xirayo dhamaan wadooyinka Muqdisho

538

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw shaaciyay in la xiraayo dhamaan wadooyinka magaalada Muqdisho laga bilaabo Caawa 10:00 fiidnimo, islamarkaana ay xirnaan doonaan ilaa berito 05:00 galabnimo xiliga Soomaaliya.

Raysal wasaare Rooble ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho iney dulqaad iyo adkeysi muujiyaan mudada saacadaha ah ay xirnaan doonaan wadooyinka magaalada Muqdisho si loo xaqiijiyo amaanka Caasimadda oo ay imaanayaan madaxweynayaal iyo raysal wasaarayaal iyo marti sharaf kala duwan oo kasoo qeyb galeysa xaflada caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Raysal wasaaraha Xukuumadda ayaa sidoo kale faray Taliska ciidanka Booliska inay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad mudada ay xiran yihiin wadooyinka magaalada Muqdisho.

Berito oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana kasoo qeyb gali doona madax farabadan oo lagu casuumay Munaasabadda Caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.