DAAWO:-Rooble oo u ambabaxay dalka Kenya

1028

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Kenya.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Rooble ee dalka Kenya ayaa la xiriirta sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu magaalada xeebta ku taal ee Mombasa uu kula kulmo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay madaxda labada dal ka wadahadli doonaan ayaa waxaa kamid ah; Joojinta fara gelinta Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Socdaalka iyo dal ku galka (Visa),Isu-dheeli tirka ganacsiga labada dal iyo qoddobo kale,In si buuxda uu dib ugu soo noqdo xiriirka labada dal,Ka shaqeynta labada dan ee Soomaaliya iyo Kenya, Ka gudubka madmadowga siyaasadeed.

Sanadkii hore Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya kaddib markii ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha, waxaase xiriirka diblomaasiyadeed la soo celiyay laba bil ka hor markii ay dhexdhexaadisay dowladda Qadar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa booqasho ku timid 8dii bishan iyadoo la kulantay Ra’iisul Wasaare Rooble  iyo dhiggeeda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud waxaana si rasmi ah xarigga looga jaray dhismaha cusub ee safaarada Kenya ee magaalada Muqdisho.