DAAWO:-Saadaq Joon oo shaaciyey ciqaab ka dhalatay carruurtii lalaayey

206

Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo Cadaado uga qeyb galay xaflad sanad guuro ah oo golaha deegaanka degmadaas ay dhigteen ayaa ka hadlay carruurtii dhawaan lagu laayey deegaanka Kaxandhaale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Saadaq Joon ayaa sheegay in dhibaato xoog leh ay ka dhalatay carruurtii lagu laayey ay laayeen maleeshiyaad ka tirsan beeshiisa.

“Ilmihii lagu laayey meeshaan waa dhinteen, laakiin ilmihiina ayaa u ciqaaban maanta, dadka miyaga jira ilmahooda hadda waa la ilaaliyaan, si aan looga aarsan dhibaatadii aad geysateen,” ayuu yiri Saadaq Joon oo la hadlaayey dadka reer Cadaado.

Wuxuu intaas ku sii daray in carruurta beesha Saleebaan ee ku nool miyiga hadda lagu waardiyeeyo qoryo, isla markaana laga saaray dugsiyadii ay dhiga jireen, iyadoo cabsi laga qabo in laga aar guto.

“Carruurtii waa disheen, laakiin ciqaab adduun ayaa idinka idin heysata, raggii dilay magacyadooda waa lasoo qoray ee la wadaaga hey’adaha amniga si loo soo qabto idinkuna aad uga nasataan carruurtaan aad qoryaha ku waardiyeyneysaan,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay in Galmudug iyo DF ay soo qaba doonaan raggii dhibkaas geystay, “Hadaa qarsatii ragaas cadaaladu waa kala dheeraa kartaa, laakiin hadaa hey’adaha amniga ku garabsiisaan waa ka baxaysaan dhibkaan.”
Danta dadka reer Cadaado wuxuu sheegay in aysan ku jirin in sidaan lahu sii jiro, “U daneeya carruurtiina qoryahaan aad ku waardiyeysaan idinku intaa iska dili la heydeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saadaq Joon.

Galmudug ayaa ciidan u dirtay raggii dilay carruurta si loosoo qabto, hadda waxaa socda baadi goobka kooxdii dishay carruurtaas oo gaareysay shan carruur ah oo dugsiley ah.