DAAWO:-Sambalooshe oo markale Weeraray FARMAAJO

1781

Cabdulaahi Maxamed Cali Sambaloolshe Taliyihii hore ee ciidamada NISA ayaa Waraysi uu bixiyey si adag u weeraray Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo oo horay uu uga tirsanaa.

Sambaloolshe ayaa ugu horeyn ka hadlay arimaha badda Soomaaliya iyo safarkii madaxweyne Farmaao uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo safarkaasi ku tilmaamay mid madaxweynaha la hogaaminayay, Wuxuuna xusay inuu ahaa mid aysan fileyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga qarin doono waxyaabaha kasoo baxay kulankii Nairobi.

Wuxuu soo hadal qaaday xaaladaha dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in markuu xilka hayay uu wax badan ka shaqeeyay, balse markii xilka laga qaaday lagu wargeliyay xil gudasho la’aan haddana aysan jirin cid la xisaabtanta dadka hay’adaha amaanka ka shaqeeya.

Sambalooshe isagoo ka hadlayay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu sheegay in guulo badan oo la gaaray aysan jirin, islamarkaana wadamo badan oo saaxiibo la ahaa Soomaaliya hadda la lumiyay.