DAAWO: Sanbaloolshe oo sheegay inuu Itoobiya usoo kaashan doono la dagaalanka Dowlada Somalia.

13

 

Agaasimihii hore ee Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka C.laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo careysan ayaa wareysi uu siiyay Geylan Media wuxuu si cad ugu sheegtay inuu sida Laftagareen diyaar u yahay inuu u soo jabhadeeyo si uu Dowlada Somalia dagaal ugu soo qaado.

Sanbaloolshe wuxuu sidoo kale cadeystay inay Itoobiya dabada la geli doonaan si Dowlada iyo maamulka Hirshabelle ula dagaalaan darteed ,siyaasigaan wuxuu sidoo kale wareysigiisa ku sheegay inay dhisayaan Hirshabelle labaad.

Mar wax laga weydiiyay socdaalkiisii Imaaraadka ayuu shegay inay isku soo arkeen Saciid Deni iyo Craxmaan Cirro islamarkaana uu dhamaantood u sheegay qorshihiisa jabhadeynta ,si gaar ah Saciid Deni ayuu sheegay inuu kala hadlay qorshihiisa dagaalka uu la geli doono Dowlada Somalia.

“Siciid Deni waxaan u sheegay in Xasan cidna dhaafeyn madaama uu Boosaaso iyo Hargeysaba ugu tagay Puntland sidaas daraadeedna waxaan u bandhigay inuu nagu garab siiyo dagaalka aan la galayno Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa” ayuu yiri Sanbaloolshe

Sidoo kale Sanbaloolshe waxaa warkiisa ku cadeeyay in siyaasiyiintii tagay Imaaraadka ay dhamaantood u socdeen qorshayaal ka dhan ah Madaxweyne Xassan inkastoo uusan si cad ugu nuux nuuxsan.