Daawo Sawirada dabaaldega sanadguurada 21aad ee Puntland

1892

Magalada Garoowe iyo magaalooyinka kale ee Puntland waxaa saakay ka socota munaasabado loogu dabaal-degayo Sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay markii lagu dhawaaqay Maamulka Puntland.

Munaasabada ugu ballaaran ayaa waxaa ay ka socotaa Magalada Garoowe,waxana ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa Puntland, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare iyo mas’uuliyin kale oo lagu Casuumay.

Madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa in uu goordhow jeediyo khudbad uu kaga hadli doono waxyaabihii u qabsoomay Lixdii bilood ee uu xilka haayay,sidoo kale Mas’uuliyin ka socota dowladda Federaalka ayaa iyana halkaasi ka hadli doona.

Ammaanka Magalada Garoowe iyo Magaalooyinka kale ee Puntland ayaa Maanta ad loo adkeeyay,waxaana dhamaan mas’uuliiyiinta ka qeyb galeysa Munaasabada ay ka hadli doonaan xaaladihii ay soo martay Puntland iyo waxa ay hadda ku sugan tahay.

Puntland oo haatan 21 sano jirsatay ayaa waxaa markii ugu horeeysay madaxweyne ka noqday marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo mar sidoo kale soo noqday Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.