DAAWO:-“Senator aqalka sare aan ahaa hadii aan u qalmo iigu celsha hadii aad I dhibsateena iga reeba”

1083

Musharixiinta aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta jeediyey khudbadohooda ku aadan waxqabadkooda iyo qorshayaashooda si ay codka uga helaan barlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Goobta ay ka dhacayso hadal jeedinta Musharixiinta u tartamaya aqalka sare ayaa waxaa ka sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi, waxaana sidoo kale joobjog ah ah guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.
Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa sheegay in xubnaha tartamaya lagu soo xulay hab caddaalad ah, waxaana mas’uuliyiinta ka tirsan Guddiga oo madasha hadal jeedinta ka hadlay ay sheegen in Doorashadu ay si caddaalad ah ku dhici doonto, isla markaana ay dhankooda mas’uuliyad iska saari doonaan.

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee maanta khudbada ka hor jeediyay mudaneyaasha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, ayaa si ka duwan musharaxiinta kale uga dalbaday codkooda.

Senator Muuse Suudi ayaa ka muquurtay in ballan-qaad ka hor sameeyo baarlamaanka hortiisa, halka musharaxiinta ka horeysay ay sameeyen, wuxuuna ku gaabsaday “in uusan ogeyn waxa uu qaban doono maadama uu qaa’ib ka yahay”, arrintaasi oo lama filaan ku noqotay dad badan.

“Warkeyga ma badnaan doono, waxa aan soo qabtay ma aqaano ma ii miisaana, waxa aan qaban doonana ma ogi, qaa’ib aan ka ahay, waxaa idinka codsanaa Senator Aqalka Sare ahay, haddaan u qalmana igu celsha, haddaa i dhibsateen iga reeba,” ayuu yiri.