DAAWO:-Shabaabkii soo firxaday in Xamarjajab lagu soo dhaweeyo macquul ma’aha

312

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen xaafadaha degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qab qabtay dad fara badan.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayay taliyaha qaybta Waliyow Cadde Gaashaanle Isaaq Maxamed Ciise, waxaana sidoo kale qayb ka ahaa maamulka degmadaasi.

Gaashaanle Isaaq Maxamed Ciise oo ka warbixiyay howlgalkan ayaa ka hadlay meesha uu maraayo ammaanka dalka, isagoo bogaadiyay guulaha laga gaaray howlgallada gobollada.

“Waxaad ogtihiin wiilkii halkan Xamar ka baxo inuu caawa Masagawaay iyo Ceeldheer uu xabadda kasii ridaayo,” ayuu yiri taliyaha Booliska ee qaybta Waliyow Cadde.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in culeyska kooxda Al-Shabaab lagu hayo uu keenay inay si dhuumaaleysi ah ay kusoo galaan gudaha magaalada Muqdisho, isaga oo shaaciyay in aysan macquul aheyn in lagu soo dhaweeyo ama laga kireeyo guryaha Xamarjajab.

“Teamkii halkaas kasoo firxaday in degmadan qaybo kamid ah lagu soo dhaweeyo ama laga kireeyo guryihii ay idinla dagan yihiin macquul ma noqoneyso,” ayuu markale yiri taliyuhu.

Taliyaha qaybta Waliyow Cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa dardaaran culus u jeediyay dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay in aysan guryaha ka kireyn dad aysan aqoon.

“Hal maado ayaa idin-kula dardaarmayaa gurigaaga inaadan nin Khawaarij ah ka kireyn nin firxad ah oo gobolka kale ka yimid oo aadan aqoon waxa uu soo sameeyay oo habraaca guriga kireyntiisa loo maro aad marsiin inaadan ka kireyn gurigaaga,” ayuu sii raaciyay.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada oo ay inta badan ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada.