DAAWO:-Shabaabnimada waa jirro la isqaadsiiyo

188

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale adkeeyay in umadda Soomaaliyeed ay u midoobaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Madaxweynaha oo xalay kulan wada-tashi ah oo looga arrinsaday dardar-galinta dagaalka Khawaarijta la qaatay guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howl-gala furimaha dagaalka ayaa waxa uu ka sheegay in dalkeenna uu leeyahay hal cadow oo keliya oo ah argagixisada.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in Shabaabnimada iyo in dadka loo dilo qaabka arxanka darran ay tahay jirro xun oo la isqaadsiiyo, ayna tahay in laga ciribtiro guud ahaan Soomaaliya.

“Waxay ka turjumeysaa muuqalka un maahane ee micnaha weyn ee ku fadhido, dadka Soomaaliyeed hoggaankooda dowladnimada ugu sareeyay qadiyada Shabaab iyo in Khawaarijta dalka laga saaro, dalkana dowladnimadiisa la xoojiyo inay dhab naga wada tahay, oo aan ka mideysanahay oo aan isku rayi ka nahay ayay tilmaamee,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Niman jiraday oo maankii ka tegay oo cudur maskax uga dhacay oo ku farxaya markay dad laayan oo dhiig daadiyaan ee gowracaan farxaya, waa jirro waana la isqaadsiiya.”

Dhalinyarada weli ku harsan kooxda Al-Shabaab ee ka barbar dagaal ayuu markale ugu baaqay inay kasoo tagaan, oo ay lasoo saftaan dhanka kale, si loo soo afjaro dhibaatada ay argagixisada sanadaha badan ku haysay umadda Soomaaliyeed.

“Dhalinyara da waxaa leeyahay ha ku habsaamina meesha kasoo noqda, waxaan amaanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee garatay kuna dhiiratay inay kasoo noqdeen oo qaarkood maanta iyaga la dagaalamaya oo xeeladahooda qaloocan iyo sirtooda hay’adaha dowladda la wadaagaya, nimankaas waqti uma harin.”

Ugu dambeyntiina wuxuu shacabka ka agdhaw deegaanada kooxda Al-Shabaab ugubaaqay in fogaadan, si ay uga nabad-galaan duqeymaha iyo howl-gallada lagu beegsanayo dagaal-yahaanada kooxda.

“Lacagta qaraxyada Al-Shabaab ku sameyso qof Soomaali ah ayaa dhiibay, sidee ayuu noogu qancin karaa qofkaasi dambi malihi aniga. Dadka Soomaaliyeed waxaa leeyahay waxa noo dhiiman waa dhiiranaan ee ha dhiirano, ka hari mayno ee yaanu nagu dheeraan ciyow ha na dhaafan.”