DAAWO:-Shacabka Ceerigaabo oo Hubka Qaatay +SAWIRRO

1759

Xaalada magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa maanta aad u Kacsan, Waxaana laga Maqlayaa Rasaas Xoogan, Sidoo kale Ciidanka Somaliland iyo Kuwa Taageersan Kornayl Caarre ayaa dagaal ku dhexmarayaa deegaanka dhoob ee Bariga magaalada ceerigaabo, Kaasi oo dhaliyey khasaare kala duwan.

Gudaha magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka sanaag waxaa hada laga maqlayaa Hub Culus, Sidoo kale Dad shacab ah ayaa Hubka qaatay, Sida ay muujinayaan Sawirro laga soo qaaday, Kuwaasi oo iska rogay Calanka Somaliland.

masuuliyiinta Maamulka gobolka ku magacownaa ayaa lagu soo waramayaa inay magaalada uga baxeen dhinaca tuulada Yufle.

Xaalada Cusub ee kasoo Korodhay Gobolka sanaag ayaa kusoo aadaysa iyadooo Horay ay Gobolkaasi uga jireen Colaaado Sokeeye oo kusoo Noqnoqday deegaanka Ceel-Afwayn, Taasi oo sababtay in Madaxwaynaha Somaliland uu dhowaan kusoo Rogo Xaalad deg deg ah, Inkastoo uu markii dambe la laabtay.