DAAWO: Shacabka Gal-dogob oo sameeyay ficil ku dayasho mudan.

97

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdo ugub ah oo ka dhacday magaalada Galdogob ee gobolka Mudug taas oo si weyn u gilgishay bulshada deegaanka.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, nin hubeysan oo lagu tilmaamay mooryaan ayaa la sheegay inuu toogasho ku dilay dad musaafur ahaa oo marayay duleedka magaalada.

Dadka la dilay ayaa lagu waramay inay ahaayeen safar ku marayay deegaanka, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tiradooda iyo faahfaahinta aqoonsigooda.

Falkan ayaa kiciyay caro xooggan oo ka dhalatay bulshada ku dhaqan Galdogob. Wararka ayaa intaas ku daraya in dad deegaanka ah ay baadi-goob ku sameeyeen ninkii falka geystay, ugu dambeyntiina ay dileen. Meydkiisa ayaa la soo dhigay barxadda bartamaha magaalada, halkaas oo sidoo kale la soo dhigay gaarigii uu dadka ku dilay, kaas oo la sheegay inuu ka yimid magaalada Burco ee gobolka Togdheer oo hoos taga Maamulka Somaliland.

Tallaabadan ay qaadeen qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa muujineysa sida ay uga falceliyeen dhacdada, inkastoo ay dhalisay su’aalo ku saabsan habka loo maray caddaaladda iyo kaalinta hay’adaha ammaanka.

Galdogob waxay ku taallaa xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, meel loo arko marin muhiim u ah isu-socodka ganacsiga iyo dadka. Si kastaba ha ahaatee, deegaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay la daalaa dhacayay dhibaatooyin amni iyo tahriibinta maandooriyaha la sheegay in laga soo geliyo dhinaca Itoobiya.

Mas’uuliyiinta amniga ee heer gobol iyo federaal ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan.