DAAWO:-Shakabad dadka tahriibin jiray oo xukun adag lagu riday

16

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday koox lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin shabakad ka shaqeysa tahriibinta iyo ganacsiga dadka, iyadoo soo gabagabaysay dhageysiga dacwaddooda.

Guddoomiyaha maxkamadda, Salaax Cali Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxamed Jimcaale Raage iyo Maxamuud Cali Xasan, oo mid kasta lagu xukumay labo sano oo xabsi ah. Sidoo kale, waxaa lagu amray inay bixiyaan min 50 Halaad oo ah diyada afar haween ah oo ay tahriibiyeen oo ku geeriyooday tahriibka.

Maxkamaddu waxay sidoo kale ku xukuntay eedeysanayaashan inay si buuxda u bixiyaan dhammaan lacagihii ay ka qaateen qoysaska dadka ay tahriibiyeen. Waxayna amar kusoo saartay in lagala noqdo dammaanadaha ay bannaanka ku joogeen.

Sidoo kale, eedeysanayaasha kala ah, Cabdiwahaab Nuur Mahdi, Ibraahim Cabdi Ibraahim, Waliid Cabdullaahi Abuukar, iyo Cabdiqani Maxamed ayaa lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inay si toos ah ama si dadban uga qayb qaateen dambiyada tahriibinta iyo ganacsiga dadka.

Xukunka eedeysanayaashaan wuxuu imaaneyaa xilli ay si aad ah u kordheen shabakadaha tahriibiya dadka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya, iyadoo ay faraha kasii baxayaan tahriibka dhalinyarada iyo dadka waaweyn.