DAAWO:-Shariif Sheekh oo kahadlay kiiska Ikraan Tahliil

1330

Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib labadii todobaad ee la soo dhaafay oo uu safar dibadda ku maqnaa.

Kadib imaanshihiisa Magaalada Muqdisho ayuu Shariif Sheikh Axmed waxaa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan siyaasadda dalka, isagoo si gaar ah kaga hadlay khilaafka kasoo dhex Cusboonaaday RW Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu Nasiib darrio weyn ku tilmaamay caqabadaha kasoo dhex cusboonaaday laabda mas’uul.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu intaa ku daray in khilaafka iyo is qabqabsiga Rooble iyo Farmaajo uu caqabad ku yahay hannaanka doorashooyinka iyo sidii dalka ay kaag dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha in ay gaaraan xal dhab ah, ayna ka heshiiyaan waxyaabaha ay isku fahmi la’ayihiin, isagoo intaa ku daray mar waliba oo khilaafku sii xoogaysto ay doorashada dalka iyo xasiloonada guud ee dalka ay caqabado soo wajihi karaan.