DAAWO:-Shariif Xasan oo sheegay cida hor istaagtay safarkii Maanta ee Baydhabo

1058

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Maanta loo diiday in uu u safro magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay laana celiyay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ayaa faah faahin ka bixiyay ishor-istaagii lagu sameeyay safarkiisa.

Shariif Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ishor-istaaga Maanta lau sameeyay ay aheyd mid uusan fileyn, isla markaana loo diiday diyaaradii u kireyneyd inay u duusho Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in safarkiisa Magaalada Baydhabo uu shalay u qorsheysnaa balse loo sheegay in wax diyaarad ah aysan baxeyn, isla markaana Maanta markii uu isku dayay in uu u duulo Baydhabo loo diiday.

Shariif Xasan Sheekh Aadan sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) uu inkiray malaaqii Beeshiisa ee lahaa saxiixa kursiga Hop#261, wuxuuna ka codaday in uu joojiyo ficilada uu wado Madaxweynaha Koonfur Galbeed.