DAAWO:-Sheekh Aadan Madoobe oo kudhawaqay gudiga doorashooyinka

832

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha ayaa magacaabay sideed xubnood oo kamid noqonaya guddiga doorashada Madaxweynaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale laga sugayaa in uu soo magacaabo saddex xubnood kale oo kamid noqonaya guddiga doorashada oo ka kooban 17-xubnood oo lix kamid ah ka imaanayaan Aqalka Sare.

Guddiga doorashada ee labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa diyaarin doona sidoo kale maamuli doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in isbuucyada soo aadan ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Halkan ka Akhriso Magacyada sideeda xubnood uu Magacaabay Aadan Madoobe

1- Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed
2- Xildhibaan Cali Xaaji Daahir
3- Xildhibaan Nuur Mustaf mukhtaar
4- Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey
5- Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu
6- Xildhibaan Maxamed Caananuug
7- Xildhibaan Cumar yuusuf
8- Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.