DAAWO:-Sheekh Adan Madoobe barlamaanka ayaa xallindoono khilaafka xildhibaannada gobolka Gedo

686

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulankiisa ugu horeeyey shir guddomiyey wuxuuna Maanta uu xilka kala wareegay Guddomiyihii hore Baarlamankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bisha May afarteeda uu barlamaanku xallin doono khilaafka ka taagan xildhibaannada lagusoo doortay Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

Maanta ayay ahayd markii xildhibaannada lagusoo doortay gobolka Gedo ay buuq ka sameeyay xarunta barlamaanka Soomaaliya, iyagoo ku dooday inay ku fadhiyaan sharciyad waafaqsan heshiiskii doorasho ee 17 september.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in 4ta bisha May uu barlamaanku ansixin doono miisaaniyada dalka iyo doorashada gudigii qaban lahaa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in guddoonka barlamaanku uusan ahayn dhinac islamarkaana lagasoo gudbay ololihii doorashada, isagoo u sheegay xildhibaannada inay waajibaadkooda si daacad ah u gataan.