
Madaxweynaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta si deg-deg ah xilka ula wareegay, kadib markii uu shalay kusoo baxay doorashadii ka dhacday Baydhabo, isaga oo helay 88 cod.
Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayuu si rasmi ah xilka ugala wareegay hoggaamiyihii kumeel gaarka ee xilka sii hayay Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Koonfur Galbeed, xubno ka socday hay’adaha dowladda, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Inta ay socotay munaasabadda Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa hoggaamiyaha cusub ku wareejiyey dukumiintiyada iyo masuuliyadaha xafiiska, isaga oo ugu hambalyeeyey xilka loo doortay, una rajeeyey inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.
Dhankiisa Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa uga mahadceliyey Hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa shaqadii iyo dadaalkii uu geliyey xilliga kala guurka, isaga oo ballanqaaday inuu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska Dowladda Koonfur Galbeed.
Kala baxa doorashada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, iyadoo mucaaradka ay horay u diideen qaabka loo mareeyay doorashadaas.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed oo ay diidan yihiin mucaaradka.




















