DAAWO: Sheekh Shaakir ”Dowladda ka yeeli mayno in Alshabaab Galmudug madax uga dhigto

2048

Madixii xukuumada Galmudug, Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya in ay ka shaqeynayso in Galmudug ay madax noqdaan shaqsiyaad xidhiidh laleh Al-shabaab.

Sheikh Shaakir, ayaa sidoo kale dowladda federalka ku eedeeyay inay dagaal cad kula jirto cid kasta oo katirsan Ahlusunna inay kusoo baxaan maamulka hadda la dhisayo ee Galmudug.

“Dowladda Federalka Soomaaliya ka yeeli meyno mana ka aqbaleyno nin xiriir la leh Al-shabaab ama Shabaab lagu tuhmaayo iney Galmudug madax kaga dhigto marna laga yeeli maayo, Dowladda markey ay soo xuleysay Xildhibaanada Galmudug waxey ku soo xushay naga ilaaliya qof xiriir la leh Ahlu-Sunna waa la ogyahay dadka aan anaga xiriirka nala laheyn waa Al-shabaab” ayuu yidhi Shaakir.

Dhawaan, Hiiraan Online oo soo xiganaysay jaraaid caan ah, ayaa qortay warbixin ka hadlaysay in barlamaanka cusub ee Galmudug ay ku jiraan 18 xubnood oo lagu sheegay inay daacad u yihiin Al-shabaab.

Hiiraan Online waxay kaloo ogaatay in hardan ku saabsan afkaar diimeed uu qeyb ka yahay khilaafka haatan Galmudug ka jira.

Ahlusunna Waljameeca ayaa muddo dheer qeybo badan oo kamid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya ku maamulasay dariiqada suufiyada ee ay aaminsan yihiin kuna dhaqmaan.