DAAWO:-Sheekh Shariif 19ka February wixii dhacay wax la iloobi karo ma ahan

1483

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahan Guddoomiyaha Guddiga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa farriin mahadcelin ah u diray Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Sheekh Shariid ayaa labada Madaxweyne maamul Goboleed uga magadceliyay mowqifka ay ka qaateen xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, marxalada kala guurka iyo khilaafka ka taagan doorashada.

Madaxweyne Deni ayuu Shariifka ku boggaadiyay khudbadii xalay uu jeediyay ee ku sharaxayay arrimo badan oo la xiriira doorashooyinka iyo xogo uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo doonayo inuu xoog ku qabsado dalka, dibna loo doorto.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif inuu sii dhimanayo heshiiskii laga gaaray doorashada dalka 17-kii September 2020 doorashada, wuxuuna Carabka ku dhuftay in aan dalka loo wadin doorasho ee la doonayo xukun Milateri lagu maamulo.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayuu Ciidamada dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan uga digay in loo adeegsado danno gaar ah oo siyaasadeed, isaga oo ugu baaqay inay ka waantooban falalka aanan wanaagsaneyn.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa shaaciyay in aysan jirin cid aan ka tirsaneyn Midowga Musharaxiinta oo ku hadli karta magaca Musharaxiinta Madaxweynaha iyo afkooda intaba, isagoo u muuqday inuu ka Jawaabayay Eedeyn uga timid Dowladda Federaalka.

Hadalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo maalmo kahor Gen. Indha-cadde oo wata Ciidamo Milateri ah sheegay in dalka aysan ka jirin dowlad, xiligaas uu la wareegay Taalada daljirka Daahsoon oo lagu qaban lahaa banaanbixii Musharaxiinta ay ku dhawaaqeen ee dowladda is hor istaaga ku sameeysay.