DAAWO:-Sheekh Shariif oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

1604

Magalada Muqdisho waxaa soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyhinii hore ee dowladii KMG aheyd ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran mudane Sheekh Shariif sheikh Axmed, iyada oo siweyn loo soo dhaweeyey.

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho waxaa kusoo dhaweeyey, Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar islow Ducaale, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Boqolaal ka mid ah Shacbaka Muqdisho oo wata Boorar lagu xardhay sawirka Sheekh Shariif iyo Astaanka xisbiga himilo Qaran ayaa taagnaa wadada u dhaxeysa Garoonka Aadan-Cadde iyo Xarunta Xisbiga.

Daqiiqadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in dadkii soo dhaweeyey iyo taageerayashiisa uu kula hadlo Xarunta Xisbigiisa Himilo Qaran oo ku taalla meel aan ka fogeen Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho.