DAAWO: Sheikh Shariif oo London yimid

1971

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada London ee UK ayaa sheegay in maanta dalka uu baahan yahay isbadel maamul, islamarkaana laga doonaayo dadka Soomaaliyeed in ay hormuud ka noqdaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay joogto meel aad halis ah una baahan hoggaan ka duwan Midka hadda jira oo leh Karti horumarineed.

Waxaa uu sheegay in haddii uu dhici waayo isbadel in Mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro Xaalad mugdi ah.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed Midnimo iyo wadajir ah, maadaama uu sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ah Hoggaanka Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka, waxaana khilaaf uu kala dhaxeeyay hoggaanka dalka Bilooyinkii ugu dambeeyay.