DAAWO:-Shekh Shariif “Farmaajo doorashada dhexda noo soo dhig dagaal miyaa taas?”

1616

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya inay ka leexden sidii wanaagsanaa ee la doonayo in lagu hoggaamiyo doorashooyinka dalka, isla markaana ay tahay nasiib darro inay isku dayaan inay boobaan doorashooyinka.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay munaasbad ay musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ay kusoo bandhigeen warmuriyeedka shirka u socday ayaa waxaa uu sheegay in musharixiinta ay garteen in dalka meesha uu us ocda laga soo leexo si loo qabto doorasho la iska wada ogol yahay.

Waxaa uu sheegay in sida ay wax u wado dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ay sababi karto xasilooni siyaasadeed, taas bedelkeeda musharixiinta Madaxweynaha ay ka hortagaan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweyhinii hore ee Soomaaliya waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in musharixiinta Madaxweynaha aysan aheyn kuwo colaad wada balse ay wadaan sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo badbaadiin lahaa.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhibaatooyin kala duwan oo cadaalad darro ay keentay uu dalka soo maray, hayeeshee xilligaan loo baahan yahay in la abuuro kalsooni ku imaan karta in la ilalaiyo sharciga dalka.