DAAWO:-Shirkadda HASS oo U Jawaabtay Wasiirkii Somaliland ee Eedaymaha u jeediyey

1866

Gudoomiyaha Shirkadda HASS Cabdirisaaq Ibraahim oo Warbaahinta kula hadlay Hargeisa ayaa si adag uga difaacay Shirkadda Eedaymo uga yimid Wasiirka Howlaha guud iyo Guryanta Somaliland, oo ku eedeeyay inay Shirkaddu taageerto Jabhada SSC .

“Anigoo ku hadlaya magaca Shirkadda HASS ee Somaliland, Waxaan Bulshada u Cadaynayaa in Warka uu Wasiirku sheegay uuyahay Jariimad ka dhan ah Shirkadda HASS , iyo Duulaan Qaawan oo Wasiir Qambi uu ku Qaaday Shirkaddaha waawayn ee dalka wax Tarka u leh.”

“Waxaan meesha ka saarayaa, inaysan waxba ka jirin waxa wasiirku ku eedeeyay Shirkadda, Anigu Weligay ma arag Buuhoodle, Shirkadu Xafiis kuma leh, Dhibaatooyi ka Jira halkaasna Shirkaddu lug kuma leh.”

“Wasiirku si aan Gabasho lahayn Ayuu Arintaasi u sheegay, Waxaana Guud ahaanba dadka Soomaaliyeed u Cadaynayaa, Inaanu Arintaas u mari doono Sharciga, Waxayna arimahan oo kale salka ku hayaan waxyaabo aad u hooseeya, oo aana halkan ka sheegayn” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Shirkaddu.