Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh, ayaa sheegay in dib u dhiska Dowlad Goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo uu xalin doono muranadii muddada dheer ka taagnaa gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo loo aqoonsanaa dhul lagu muransan yahay.
“Cid idin la murmi karta ma jirto. Idinkuna ha isgelinina muran,” ayuu yiri Wasiir Xoosh, oo maanta ka hadlayay furitaanka shirweynaha dhameystirka maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.
Wasiir Xoosh ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan cusub, si uu uga gudbo caqabadaha haysta, una noqdo mid xasilloon oo ka turjumaya rabitaanka shacabka deegaanka.
“Waxaan idin xusuusinayaa in dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo uu yahay himilo shacab, ma ahan arrin kooxeed ama mid siyaasadeed. Waa in loo midoobaa lana garab istaago maamulka cusub,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.
Wasiirka wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka ay aaminsan tahay in horumarka gobolladaan lagu gaari karo marka la helo maamul rasmi ah oo si dhab ah u matala danaha shacabka.
Wuxuu sheegay kaddib shirweynahan in Dowlad Goboleedka SSC Khaatumo uu si rasmi ah uga mid noqon doono Dowlad goboleedyada Soomaaliya ee katirsan Dowladda Federaalka.
Shirweynaha dhameystirka SSC-Khaatumo ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeeyn doonaa arrimo ay ka mid yihiin, Qeybsiga awoodaha maamulka, Qaab-dhismeedka maamulka, Sameynta iyo ansixinta dastuurka iyo qabashada doorashada madaxweynaha.