DAAWO:-” Si Villa Soomaaliya Dhexdeeda Nabad uga Dhacdo waa in Farmaajo laga soosaaraa

1582

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka digey halis ka jirta gudaha madaxtooyada oo uu sheegay in ciidamo soo kala horjeeda isku horfadhiyaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in howsha ugu horeysay madaxda golaha wadatashiga qaran ay tahay in xafiska ra’iisul wasaraha ciidanka ilaalada ka ah iyo ciidanka ilaalada Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Farmaajo ay isaga soo horjeedaan madaxtoyada dhexdeeda in la kala qaado labada nin mid laga saaro.

“Howsha koowaad ee Golaha Wadatashiga Qaran u taalla waa in xal loo helo labada qori ee Villa Soomaaliya isaga soo horjeeda. Xalkuna waa in Farmaajo Villada dibedda looga soo saaro, kaddib ayaa doorasho iyo sidii loo sixi lahaa laga hadli karaa.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo ka hadlay taliyaasha ciidamada waxana uu sheegay in ay tahay in taliyaasha is casilaan, kuwo aan ka qeybqaadan dhibaatooyinkii ka dhacay dalkana lagu bedelaa.

“Taliyaasha ciidamada hadlay waa fiican tihiin hadalkiina mid ayaa ka dhiman waa inaad is casishaan,dhibaatadii iyo fitnadii dalka ka dhacday hormuud ayaad ka ahaydeen walaalayaalow is casila.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kuraasta golaha shacabka ay leeyihiin beelo oo aysan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada lahayn. Waxana uu naqdiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur siyaasiyiinta ka raadiya kuraasta madaxda dowlad goboleedyada.

Waxa uu u mahadceliyay madaxda dowlad goboleedyada ee taageeray ra’iisul wasaaraha isagoo ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada ee weli ka aamusin mowqifka ay ka taagan yihiin khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.