
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta isbeddel ballaaran ku sameeyay xukuumaddiisa, isaga oo soo magacaabay xubno ka mid ah golihiisa wasiiraddda Iyo guddoomiyaal gobol.
Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Puntland Deni uu magacaabay.
Isku shaandheynta uu sameeyay madaxweyne Deni ayaa waxaa xilkiisa ku waayay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Saciid Faarax Juxa, Wasiirka Cadaaladda Puntland iyo xubno kale oo muhiim ah.
Wasiirrada la magacaabay ayaa kala ah:-
1-Cabdirashiid Barqadle Warsame, wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta
2-Cabdi Cali Xirsi (Qarjab), wasiirka arrimaha gudaha
3-Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, wasiirka wasaaradda caafimaadka
4-Barre Yuusuf Faatax, wasiirka wasaaradda qorsheynta,
5-Cabdifitaax Ugaas Yaasiin wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada,
6-Hodan Saciid Xasan, wasiirka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska
7-Farxaan Cali Xirsi, wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta
8-Saciid Jaamac Qorsheel, wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo daaqa
9-Caydaruus Axmed Faarax, wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada
10-Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale, wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda
11- Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi, wasiirka wasaaradda gargaarka
12-Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux, wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka
13-Maxamuud Caydiid Dirir, wasiirka wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska.
Wasiir ku xigeennada cusub ee la magacaabay
1-Axmed Maxamuud Maxamed (Qaxiye), wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta
2-Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha
3-Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga
4- Axmed Yaasiin Saalax, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda
5-Maxamed Xasan Saciid, wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta
6-Musadaq Maxamed Musadaq, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada
7-Maryan Cismaan Axmed, wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka
8-Eng. Maxamed xmed Cali Ismaaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda Dekedaha
9-Bile Maxamuud Axmed Qabowsade, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta
10- Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi wasiir ku xigeenka wasaaradda kalluumeysiga
11-Xasan Jaamac Ismaaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha
12-Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta
13-Maxamed Saciid Saalax, wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka
14-Axmed Saciid Qolombi, wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha
15- Riyaad Axme Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka
16-Maxamuud Maxamed Daad, wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.
Dhanka kale, isla wareegtadan waxaa lagu magacaabay wasiiru dowleyaal cusub, xisaabiyaha guud, guddoomiyaha iyo agaasimaha guud ee Bankiga, agaasimaha guud ee madaxtooyada, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah iyo guddoomiyeyaasha gobollada maamul-goboleedka Puntland.



















