Daawo Sida Muqdisho loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland

1605

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka booqasho shaqo oo dhowr maalmood qaadan doonta ayuu halkaas ku tagay Madaxweynahu.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno katirsan golaha Wasiirada XFS oo ay hor kacayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Amniga Mohamed Ducaale Islow Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay sida qiimaha leh ee looso dhaweeyay waxaa uu sheegay in gurigiisi uu yimid oo aanu marti ahayn madaxda Dowlada Federaalku marka ay Jubbaland tagaana ay gurigoodii tageen oo aanay iyaguba marti ku noqon doonin.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in shaqada uu halkan u yimid uu guda gali doono isla markana uu rajaynayo in wax walba laga wada hadli doono.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in wada hadalada iyo kulamada uu la yeelanayo madaxda DFS ay yihiin kuwo si qoto dheer lagaga hadli doono arimo kala duwan oo ay ugu wayn yihiin Amniga iyo Siyaasada dalka.