DAAWO:-sida Xasan Sheekh loogu soodhaweeay Garoowe +SAWIRRO

290

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socdo oo aad u kooban ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland, iyadoo kadib loo galbiyey qasriga madaxtooyada.

Ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegay in safarka madaxweynaha uu qaadan doono muddo laba cisho ah, isla-markaana uu wada-hadallo la yeelan doono madaxda sare ee maamulka Puntland, maadaama uu haatan mad-madow soo kala dhex-galay xiriirka labada dhinac.

Sida aan xogta ku helnay ujeedka madaxweynaha ayaa ah isu soo dhowaanshaha dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, ayada oo la rumeysan yahay in madaxweyne Saciid Deni aanu qanacsaneyn wixii ka dambeeyey markii Xasan Sheekh dib loo doortay.

Saciid Deni ayaa aad u rajeynayey inuu helo xilka ra’iisul wasaaraha ama la siiyo maamulka Puntland. Labadaasba ma dhicin, wuxuuna madaxweynaha xilka ra’iisul wasaaraha siiyey Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen.

Safarka madaxweynaha ee Puntland ayaa noqday kiisii saddexaad ee uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii 15-kii May, wuxuuna horey u soo booqday dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug.

Si kastaba, booqashada madaxweyne Xasan ayaa ku soo aadeyso xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka jiraan daruufo amni iyo xaalado nololeed oo ay sababeen abaaraha.